Hogamiyaha Ruuxiga Iran Oo Weeraray Xuquuqul Insaanka Maraykanka

Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Iran ayaa duqayn dhinaca afka ah ku qaaday Washington, isaga oo ku cambaareeyay xadgudubka dhinaca xuquuqda aadamaha ah iyo falkii foosha xumaa ee sababay geeridii George Floyd .

Ayatollah Ali Khamenei wuxuu carabka ku adkeeyay in Ameerika dhexdeeda aanay ka jirin ilaalin xuquuq aadame, “waxay dadka ku dilaan dambi la’aan, mana bixiyaan raali galin, iyaga oo ah dal madax adag oo aanay toodu u muuqan inta badan ay sheegtaan inay taageerayaan, una ololaynayaan ilaalinta xuquuqda aadanaha”.

Khamenei, oo isagu leh go’aanka kama dambaysta ah ee ku saabsan dhammaan arrimaha dalkaasi Iran, ayaa intaa ku daray: “Sida muuqata, ninka Afrikaanka Mareykanka ah ee la diley uma aysan haysan inu yahay qof banii’aadamka ah”.