Hogamiyaha Jabhada Oromiya Oo Sheegtay Inay Ciidanka Itoobiya kala Wareegeen Magaalooyiin

Hogaamiyaha jabhadda xoreynta Oromiya ee loo soo gaabiyo OLA ayaa BBC u sheegay in dagaalyahanadiisa mucaaradka ay qabsadeen dhowr magaalo oo ku taalla galbeedka iyo bartamaha gobolka Oromada.

Jaal Marroo ayaa sheegay in dagaalyahanadiisa ay iska caabin yar kala kulmeen ciidamada dowladda, waxuuna intaasi ku daray in ciidamadiisa ay dhawaan ka barbar dagaalami doonaan kuwa xoogagga TPLF.

Ilaa iyo imika saraakiisha dowladda Itoobiya kama aysan jawaabin sheegashada jabhadda OLA, Mana jirto cid ka madaxbanaan oo xaqiijisay sheegashada hogaamiyaha jabhadan.