Hogaamiyaha TPLF Oo Hal Shardi ku Xiray Wadahadal ay la Galaan Dowlada Itoobiya

Madaxweynaha Tigray Debretsion Gebremichael ayaa sheegay in haddii dawladda federaalka ay dhab ka tahay in wadahadal lagu soo afjaro colaadda, inay dib dib u bilaabi lahayd adeegyadii aasaasiga ahaa ee gobolkaas dhinaca Bangiyada, korontada iyo isgaarsiinta.

Waxaa uu sheegay in hadii aaney dowladu qaadin talaabadaas aysan dhici karin wadahadalkaas.

Sarkaal sare oo ka tirsan xukuumadda dalka Ethiopia ayaa sheegay in dawladdiisu ay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho jabhadda Tigrayga “wakhti kasta iyo meel kasta oo ay ahaatoba”, iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhaynin wadahadalkaas, arrintan oo ah tallaabo hore loo qaaday.

Ridwaan Xuseen oo ah la taliyaha dhanka amniga ee Ra’iisal Wasaare Abey Ahmed ayaa hadalkan ku soo qoray bartiisa Twitterka ka dib markii uu la kulmay ergo ka kala socota Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo Midawga Yurub, waxaana la rajaynayaa in tallaabadani ay horseeddo in wadahadal lagu xalliyo colaadda wakhtiga dheer soo socotay ee u dhexeysa ciidamada dalka Ethiopia iyo xoogagga Tigreega.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Associated Press, Ambassador Ridwaan ayaa sheegay in ururka Midawga Afrika uu hoggaamin doono geeddi socodka, isaga oo codsan kara wixii taageero ah ee uu u baahdo.

(Visited 1 times, 1 visits today)