Hogaamiyaha Maamulka Taliban Oo Fariin Adag U Diray Mareykanka Iyo Xulufadiisa

Hogaamiyaha Maamulka Taliban ee dalka Afghanistan Mullah Hibatullah Akhunzada ayaa ugu baaqay Mareykanka iyo beesha caalamka inteeda kale inay xiriir diblomaasi oo xoog leh iyo wadashaqeyn dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasadda ah la yeeshaan Afghanistan.

Waxa uu sheegay in arrintaas ay tahay mid ay dan ugu jirto cid walba, haddii ay ahaan lahayd dowladda Afghanistan iyo Mareykanka intaba.

Hoggaamiyaha sare ee Taliban ayaa sidoo kale farriintiisa codsi ugu diray shacabka reer Afghanistan, oo uu waydiistay in qof walba uu ka qayb qaato dib u dhiska dalka.

Mas’uulka ugu sarreeya kooxda Taliban ee maamusha Afghanistan ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta la xiriirta shakhsiyaadka reer Afghanistan ee dib ugu laabanaya waddankooda.

“Ma jirto cid ay cadaawad gaar ah nagala dhaxeyso,” ayuu yiri Hibatullah oo dalbaday in dadaal dheeraad ah loo galo difaacidda nolosha, hantida iyo sharafta dadka reer Afghanistan ee dib usoo noqonaya.

Hadalkan ayaa u muuqda mid uu meesha uga saarayo casida ay dad badan ka muujinayeen inay ku laabtaan Afghanistan, wixii ka dmabeeyay markii ay xukunka la wareegeen kooxda Afghanistan, bartamihii sanadkii lasoo dhaafay.

Farriinta Mullah Hibatullah Akhunzada ayaa u muuqata mid xoogaa yar ka dabacsan sidii hore, isagoo sheegay in Afghanistan aysan khatar amni ku ahayn waddamada deriska la ah iyo dalalka kale ee gobolka.

(Visited 2 times, 1 visits today)