Hogaamiyaha kooxda Daacish-ta Somalia Oo Maanta Baahiyay Muuqaal Cusub Oo Laga Duubay.

Hogaamiyaha kooxda Daacish-ta Somalia Sheekh C/qaadir Muumin oo fadhigiisu yahay Buuraha Gobolka Bari ee Puntalnd ayaa mar kale kasoo muuqday muuqaal ay kooxda Daacish baahisay, isagoo ballan cusub ama beyco la gelaya hoggaamiyaha ugu sareeya Daacish Abubakar Albaqdaadi ee ku dhuumaaleysana dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Sheekh C/qaadir Muumim oo muddooyinkii danbe la sheegay inuusan xaaladiisa caafimaad aysan fiicneyn ayaa muuqaalkan cusb ee laga duubay ayaa ahaa mid jawaab u ah hadal heynta jirtay ee dhinaca caafimaadkiisa.

Muuqaalkan laga duubay wadaadkan da’da ah ayaa waxa ku wehlinayay dagaalyahanadda kooxdiisa, iyagoo shaacinayay inay cusbooneysiiyeen Beycadii ama Balantii ay la galeen Hoggaamiyaha Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi

Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii danbe xoojisay olole ay ku raadineyso dhaqaale ay isku xoojiso si ay iskugu balaariso degaano cusub oo ka tirsan Soomaaliya.

Sidoo kale, kooxdan ayaa waxay cadaadis xoogan kala kulmayeen mudooyinkan kooxda Al-shabaab oo loolan uu kala dhexeeyo iyo ciidamada Maraykanka oo duqeymo la beegsanayey goobaha ay joogaan.

Leave a Reply