Hindiya Oo Safiir Cusub U Magacawday Soomaaliya.

Dowladda Dalka Hindiya ayaa shaaca ka qaadday in ay Soomaaliya usoo Magacawday Safiir Cusub oo baddeli doona Safiirkeedii horee ee Soomaaliya ugu magacawnaa.

War lagu daabacay Wakaaladda wararka ANI ayaa lagu sheegay in Dr Virander Kumar Paul loo magacaabay Danjiraha Dowladda Hindiya ee Soomaaliya, waxana uu ku shaqeyn doonaa magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Dr Virander Kumar Paul ayaa la sheegay in uu kasoo baxay dhammaan shuruudihii Danjiranimada, waxaana uu baddeli doonaa Rahul Chhabra oo tan iyo December, 2018-kii ahaa ergayga Hindiya ee Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Hindiya ayaa lagu sheegay in Safiirka Cusub uu ka degi doono Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, halkaasi oo uu horay ugu shaqeynayay Safiirkii ka horreeyay.

Danjiraha Cusub ayaa horay kaga soo shaqeeyay Waddamo dhowr ah isaga oo matalaya Dowladda Hindiya, waxaana la sheegay in horay uu kaga soo shaqeeyay waddamada Romania iyo Moldova.