Hindiya Oo Baaraysa 20 Qof Oo U Dhimatay Oxygen ka Fakaday Bartii Uu ku Jiray.

Saraakiisha Hindiya ayaa bilaabay baaritaan ku aaddan sababta keentay in kaydka oxygen-ka ee isbitaalka Maharashtra ee magaalada Nashik uu hawada ku qubmo, arrintaasi oo horseedday dhimashada in ka badan 20 qof oo laga dabiibayay fayraska korona.

Video u muuqanaya inuu muujinayo barkaddaas oo qiiq cad uu ka soo baxayo ayaa waxaa si isula wadaagayo warbaahinta.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in oxygen-taas soo gaari waysay bukaannada aadka u xanuunsan ee ku jiray istibaalkaas gaarka u ah dadka qaba cudurka Covid, laga yaabo inay sababtay dadka halkaas ku dhintay.