Hindiya: Isbitaalo Cunsuriyadeeyay Bukaanada Covid-19 Una Kala Soocay Muslim Iyo Hinduu.

Waxa lagu arkay India waxa uu ahaa habdhaqan aan la jeclaysan oo ay dad badan ugu yeedheen “apartheid” oo ah kalmad loo isticmaali jiray nidaamkii midab kala sooca ku dhisnaa ee dalkii Koonfurta Africa waqti dalkaas iyo caalamkuba ay la hirdamayaan faafitaanka caabuqa coronavirus.

Habdhaqankan ayaa ahaa mid lagu arkay cisbitaal ay dawladu gacanta ku hayso oo ku yaal magaalada Ahmedabad ee dalka hindiya ee xarunta u ah gobolka dhaca galbeedka Hindiya ee Gujarat, waxana la arkay cisbitaalkaas oo bukaanada coronavirus uu soo ritay kala soocay una kala soocay diimo, iyada oo ay markaasi masuuliyiinta cisbitaalku ku doodeen in amarka kala sooca ah oo kaga yimid dawlada dhexe.

“Guud ahaan waxa jira cisbitaalka waadhadh u kala soocan rag iyo dumar, balse maanta waxa aan waadhadhka u kala soocnay diin gaar ahaan Hindu iyo Muslim. Waa amar dawladeed waanad waydiin kartaa hadii aad doonto” ayuu ku jawaabay Dr Gunvant H Rathod oo madax ka aha cisbitaalkan dawlada ee Magaalada Ahmedabad.

Gobolkan Gujarat ee cunsuriyada diimeed laga soo sheegay ayaa waxa maamula nin ka tirsan xidbiga Hindu-ga ee xagjirka ah ee (BJP), kaas oo sidoo kale hogaanka u haya dawlada dhexe ee Hindiya, waxana xusid mudan in raysal Wasaaraha Hindiya ee hogaamiya Narendra Modi oo 13 sano uu xidhiidh ah ahaa wasiirka dawlada dhexe ugu jira gobolkan Gujarat eek u caanka baxay qulqulatooyinka diimeed.

Markii ay Al Jazeera la hadashay Jayanti Ravi oo ah xoghaya caafimaadka ee Gujarat, si wax ay uga waydiiso cunsuriyadan ku salaysan diimaha ee lagula kacay bukaanka ayaawaxa taleefankeeda ka jawaabay xoghayaheeda gaarka ah.

“War uga hayo waxa aad I waydiinaysaan” ayuu xoghayuhu ku jawabay isaga oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso, waxana uu ku taliyay in lala hadlo Dr Sanjay Solanki oo ah masuul degaanka ah oo ka hawlgala cisbitaalka

Al Jazeera markii ay la xidhiidhay Dr. Solanki, waxa uu ugu jawaabay “La hadla Rothod isaga ayaa ah qofka ku haboon ee arintan ka jawaabi kara”

Rathod laf ahaantiisa markii ay warbaahintu isku dayday inay la xidhiidho Taleefankiisa gacanta lama qaban

Dhinaca kale Wasiirka Caafimaadka ee gobolkan Gujarat Nitin Patel ayaa ugu dambayn la hadlay Al Jazeera in wax walba aanay ahayn sida la moodayo.

“Waxa kaliya ee dan leeyahay waa in bukaanka sida ugu haboon loo daweeyo” ayuu yidhi waanu dhigay Taleefanka.

Sidoo kale Wasaarada Caafimaadku waxa ay soo saartay war saxaafadeed jawaab ah waxana ay ku sheegeen in warbixintan eedaynta ah ee salka ku haysa in cisbitaalka dawladu uu bukaanada u kala soocay Hindu iyo Muslim in uu yahay mid been ah oo aan jirin.

“Bukaanada waxa look ala qaybiyay waadhadh kala duwan iyada oo loo eegayo xaaladooda caafimaad sida ay u kala duwan tahay iyo da’dooda, waxana ay tan tahay talo ka timid dhaqaatiirta caafimaadka, sidaas darted, warbixinta cunsuriyada diimeed sheegaysa ee warbaahinta qaar ay baahiday waa mid aan waxba ka jirin” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Dhinaca kale warbaahinta Indian Express ayaa ka soo xigatay mid ka mid ah bukaanada cisbitaalkaas jiifa hadal u dhignaa sidan “Habeenimadii Axadii waxa la yeedhiyay magacda 28 nin oo bukaanka ka mid ah oo yaalay waadhka (A-4) , anigu waan ku jiray, waxana la noo wareejiyay waadhka (C-4).”

“Inkasta oo aan la noo sheegin sababta la noogu wareejiyay waadhka kale, hadana waxa xusid mudan in dhamaan magacaanta 28ka ah ee la yeedhiyay ay ka soo jeedeen qoomiyad kaliya oo isku diin ah, markii aan sababta la nooga wareejiyay waadhkii aan jiifnay aan waydiinay mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee Waadhkii aan jiifnay waxa uu noogu jawaabay in kala saaridan ay tahay mid u wanaagsan labada qoomiyood ee kala diinta ahba, isaga oo u jeeda Muslimka iyo Hinduga”

Dhinaca kale dhaqtar la hadlay Wargays ay leeyihiin Hindu-gu waxa uu sheegau in bukaano ka soo jeeda dabaqada sare ee Hinduga ah ay jidh-diideen inay waadh la wadaagan bukaano Muslim ah oo ka soo jeeda dabaqada hoose ee Muslimiinta Hindiya ah”

“Markii ay dhawr cabasho ka yimaadeen bukaanada Hinduga ah, waxa la go’aamiyay in la kala sooco, loona kala sooco si kumeel gaadh ah” ayuu yidhi dhaqtarku.

Al Jazeera ayaa la xidhiidhay xeel-dheere dhinaca culuunta bulshada ah oo degan magaalada Ahmedabad oo lagu magacaabo Ghanashyam Shah waxana ay waydiisay in kala soocidan dhinaca bukaanada cisbitaalka ah ee ku salaysan diintu tahay mid la mid ah tii nidaamkii midab kala sooca ee Koonfur Africa ee loo yaqaanay “apartheid” waxa uu ku jawaabay “Runtu waxa ay tahay Haa”

“Qofka yaqaan gobolkan Gujarat, lama yaabayo in cunsuriyad diimeed oo tan la mid ah ay ka dhacdo”

“Waxa jira war been abuur ah oo Muslim-ka la xidhiidhinaya faafinta caabuqa coronavirus oo dalka oo dhan ku baahay, halkan Gujarat warkaas been abuurka ah waa la rumaytay, waana sababta keentay cunsuriyada cisbitaalada ka dhacday”

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah warbaahintu in ka badan kala badh shanta boqol ee kiis ee caabuqa Covid-19 ah ee laga diiwan galiyay magaalada Ahmedabad waxa ay yihiin dad muslimiin ah, waxana taas mid xiisadan sii hurisay ee takoorka ku lamaanaysay caabuqan Covid-19.

Dhinaca kale waxa xusid mudan in magaalda Ahmadibad ay tahay magaalo leh taariikh fog oo dhinaca qulqulatooyinka diimaha ah, waxana ay magaaladu u qaybsan tahay xaafado kala soocan oo aan is dhex dagin, degaankooduna uu ku salaysan yahay mid diimeed oo ah Hindu iyo Muslim.

Si kastaba ha ahaatee waxa ay taariikhdu xustay in sanadkii 2002-dii, ay magaalan Ahmedabad ee caasimada u ah gobolka Gujarat ay xudunta qalalaase diimeed oo dalka India oo dhan ku faafay kuwaas oo ku dhawaad 2,000 oo qof oo Muslim ah lagu dilay, haween tiro badan oo muslimiin ahna lagu kufsaday, kumanaan kale oo qoys oo muslimiin ahna lagu bara-kiciyay.