Hay’adda WHO Oo Trump Uga Digtey in la Siyaasadeeyo la Dagaalanka Coronavirus.

Madaxa hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) ayaa ku baaqay midnimo, xilli ay hay`addu cambaareyn joogto ah kala kulmeyso Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Mar uu shalay qabtay shir jaraa’id, Agaasimaha Guud ee WHOS, Tedros Adhanom Ghebreyesus, wuxuu difaacay shaqada WHO wuxuuna ku baaqay in la soo afjaro siyaasadeynta fayraska Covid-19.

Mr Trump ayaa sheegay inuu ka fekeri doono in Mareykanka uu jaro dhaqaalaha uu siiyo hay`adda.

Wuxuu ku eedeeyay WHO inay “la safan yihiin Shiinaha”, wuxuuna sheegay in hay`addu ay ka gaabisay waxqabadkeeda xanuunka safmarka ah.

Dr Tedros ayaa beeniyay hadalka madaxweynaha, wuxuuna sheegay inay u dhow yihiin dal walba oo aysan cidna gaar u xigsan.

Weerarkii ugu horreeyay ee uu ku qaaday WHO, Madaxweyne Trump ayaa soo cusbooneysiiyay cambaareyntiisa, wuxuuna ku sheegay in ururka uu kala garto waxyaabaha uu mudnaanta siinayo. Wuxuu sheegay in Mareykanka uu sameyn doono qiimeyn uu ku goaansan doono joojinta dhaqaalaha uu siiyo hayadda.

Dhanka kale, Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ooka jawaabayay su`aalo laga weydiiyay shirka, wuxuu sheegay in maamulkiisa uu qiimeyn ku sameynayo dhaqaalaha uu siiyo WHO, isagoo intaas ku daray; “Ururradu waa inay shaqeeyaan. Waa inay la yimaadaan natiijada waxyaabihii laga doonayay”.

Fayraska Covid-19 waxaa markii ugu horeysay, bishii December laga helay magaalada Wuhan ee ku taalla Shiinaha, taas oo la geliyay 11 isbuuc oo bandow ah.

La taliyaha madaxa WHO ayaa hore u sheegay in wada shaqeynta dhow ee ay la leeyihiin Shiinaha ay muhiim u tahay fahamka marxaladaha hore ee cudurka.

Weerarka Trump ee WHO ayaa imaanaya xilli lagu cambaareynayo sida uu maamulkiisu u xakameynayo xanuunka safmarka ah ee coronavirus.