Haweeney Qiratay Inay Malaayiin Doolar Ka Samaysay Fal-deniyeed ay ka Gashay Maraykanka.

Haweenay u dhalatay dalka Shiinaha ayaa lacag malaayiin doolar ah ka samaysay faldambiyeed ay markii dambe qiratay, oo ahaa inay haween kale oo uur leh u dalxiis gaysay Maraykanka si ay ugu soo dhalaan, halkaasna ay caruurtoodu ku noqdaan kuwo haysta dhalashada Maraykanka

Haweenaydan oo Dongyuan Li ayaa lagu helay inay Jabisay Shuruucda Maraykanka, ayaa qirtay inay gacan ka gaystay inay Visa-yaal dalxiis ah u soo saarto Haweenka ka soo jeeda qoysaska hayntoodu sarayso ee Shiineeska ah si ay dhalashooyin ugu helaan caruurtooda.

Maha soo saarida Visaha oo kaliya balse Dongyuan Li ayaa macaamiiseeda bari jirtay sida loo qiyaamo saraakiisha socdaalka, waxana ay wajihi doontaa 15 sano oo xadhig ah marka la xukumo dabayaaqada sanadkan