Haweeney Agaasime ka Aheyd Wasarada Shaqada Oo Caawa Lagu Dilay Muqdisho.

Agaasimihii waaxda Maamulka Maaliyada ee Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada DF ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho.

Safiya Karaani ayaa kooxo bastoolado ku hubeysan waxay ku dileen agagaarka kaalinka shidaalka Hass ee wadada Maka Al Mukarama meel ku dhow isgoyska Sayidka.

Raggii dilka geystay ayaa la sheegay iney goobta ka baxsadeen waxaana goobtaasi gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ee Dawlada Fadaraalka oo halkaasi baaritaano ka bilaabay.