Hargaysa:-Gabar Saaka Maherkeeda loo Balansanaa Oo Geeriyootay iyo Farxadii Oo Murugo Isku Bedeshay

Waxaa saakay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland ka dhacday dhacdo murugo badan xumbaarsan, kadib markii ay geeriyootay gabar saakay loo balansanaa in maherkeeda uu dhaco.

Faadumo Ismaaciil iyo Khaalid Maxamed ayaa saakay lagu waday in maherkoodu ka dhaco hotel kuyaala magaalada Hargeysa, hasa ahaatee maherka waxaa kasoo hormaray geerida Faadumo oo naf baxday saacado kahor inta uusan dhicin maherkeeda.

Xubno katirsan ehelada gabadhan geeriyootay ayaa laga soo xigtay in uu kusoo booday xanuunka dhiigkarka oo sababay geerideeda, waxaana farxadii iyo reynreyntii loogu diyaar garoobayay maherka Faadumo isku bedeshay murugo xanuun badan.