Hantidhawrka Guud Oo RW Rooble Ka Dalbaday Joojinta Xeer La Ansixiyay

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa soo saaray Amar ku socota Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo la xiriira Xeer ay maalmo kahor ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Qoraal uu soo saaray Hantidhawrka Qaranka Maxamed Maxamuud Cali ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble lagu wargeliyay joojinta Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda oo ay Golaha Wasiirradu ansixiyeen Khamiistii lasoo dhaafay.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa sheegay in Xeer-nidaamiyaha la ansixiyay uu ka jiro khaladaad sharci iyo Qodobbo kasoo horjeeda Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (PFM Act 2019) iyo Sharciga Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka. kuwaasi oo wiiqaya hannaanka loo maamulo islamarkaana loo korjoogteeyo hantida Ummadda.

(Visited 1 times, 1 visits today)