Guri Lagu Diyaarinayay Qaraxyo Oo lagu Qabtay Dhuusamareeb.(Sawirro)

Booliska Dhuusamareeb ayaa howlgal ay saaka ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaaladaas waxay kusoo qabteen miinooyin loo diyaariyey in qaraxyo lagu fuliyo.

Saraakiisha Booliska Dhuusamareeb ayaa sheegay in howlgalkan uu yimid ka dib markii ay ka war heleen guri ku yaalla magaalada oo waxyaabaha qarxa lagu diyaarinayey.

Geelle C/llaahi Xassan Macallin oo ah Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb ayaa sheegay in Qaraxyadan la doonayey in dadka lagu dhibaateeyo lagana soo qabtay guri ku yaalla xaafada Dayax ee Magaalada Dhuusamareeb.

Ma sheegin taliyuhu inay jiraan dad howlgalkaas lagu soo xiray, balse waxaa uu sheegay in howlgaladan lagu xoojinayo amaanka Magaalada Dhuusamareeb oo la filayo in dhawaan lagu qabto doorashada hoggaanka Sare ee Galmudug.