Gudomiye Muudey Oo Wasaq ku Tilmaamay Xildhibaano Golaha Horkeenay Xeerka Galmada Dadka Isku Sinjiga ah.

Sharcigan oo maanta kalfadhiga Baarlamanka looga hadlay ayaa Guddoomiye Muudey si caro leh ugu tilmaamay inuu yahay sharci Sheydaan oo ay dabada ka riixayaan koox Xildhibaano ah oo dano gaar ah ka leh.

“Mas’uuliyiin ayaa tihiin, waajib waxaa idinka saaran shacabka Soomaaliyeed, Gaalo miyaa Xildhibaan u tihiin, sharci gaalo miyaa ku dhaqannaa, gaalada sharcigeeda inta in la keeno maa shacabka ku dhaqeynaa, wixii sharciga Islaamka iyo Dastuurka qabin lama keeni karo Baarlamaanka” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka.

Muudey wuxuu sheegay in Baarlamaanku ka hortagayo waajibna ka saaran yahay wixii diinta Islaamka halis ku ah.