Gudomiyihii Gudiga Doorashada Galmudug Oo Xilkii Laga Qaaday Mid kale-na la Magacabay.

Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad goboleed Galmudug ayaa kulan deg deg ah oo ay yeesheen waxa ay xilka uga qaadeen guddoomiyihii guddigaasi Maxamed Daahir Guuleed .

Xubnaha guddiga doorashada heer dowlad goboleed Galmudug ayaa dood iyo falanqeyn ay yeesheen kadib waxa ay guddoomiye u doorteen Maxamed Qaasim Maxamuud oo horey u ahaa xoghayaha guddigaasi.

Xil ka qaadista guddomiyaha guddiga doorashada heer dowlad goboleed Galmudug ayaa kusoo aadaya xili horey xilka looga qaaday guddomiyihii guddiga doorashada heer federaal Maxamud Cirro.
Halkan ka Akhriso: