Guddoomiyiha Gaarisa Oo Dammaanad Lacageed Lagu sii Daayay.

Barasaabka Gaarisa Cali Bunow Qorane Guddomiyaha gobolka ayaa lagu si daayey dammaanad lacageed oo dhan Sh3.25 million, kadib markii maxkmada Nairobi saaka ku soo oogtay dacwad la xiriirta musuq maasuq lacageed oo dhan 233m oo shilinka Kenya ah.

Waa markii ugu horeysay oo gudoomiyaha dacwad lagu soo ooga isaga iyo afar xubnood oo ka tirsan maamulkiisa, kuwaas oo loo haysto ku lug lahaanshaha lunsashada lacag dhan 233 milyan oo shilinka Kenya ah oo loogu talo galay Barnaamijka Taageerada Magaalooyinka.

Waxaa lagu eedeeyay sideed dambi oo ay ka mid yihiin, inay si ula kac ah ugu hogaansami waayeen sharciyada la xiriirta maareynta lacagaha iyo ku takrifalka hantida dadweynaha.

Dhammaantood waxay beeniyeen eedeymaha loo haysto ee ka soo yeeray madaxa garsoorka ee maxkamadda la dagaallanka musuqmaasuqa dalka Kenya.

Masuuliyiinta la xiran gudoomiyaha Gaarisa ayaa Midkiiba waxaa lagusii deyn doonaa damiin lacageed oo dhan Sh1.2 milyan.

Qaadiga maxkamada Ogoti ayaa u diiday inay dib ugu laabtaan xafiisyadooda waxaana lagu amray inay baasabooradooda ku xareeyaan maxkamada.

Cali Bunow ayaa noqonaya gudoomiyihii lixaad ee laga hor istaago inuu dib ugu laabto xafiiska sababo la xiriira musuq maasuq.

Maxkamada ayaa Kiiskan go’aan kasoo saaridoonta illaa bisha Oktoobar 23,keeda.