Gudiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Oo Hakiyay Sadax ka Mid ah Kuraasta Reer Awdal.(Akhriso)

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ayaa hakiyay ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee kuraasta Golaha Shacabka HOP211, HOP209 iyo HOP201. Waana lagu celinayaa sadexda kursi.

Gudiga ayaa hakiyay sadax ka mid ah kuraasta gobolada Waqooyi gaar ahaan gobolka Awdal waxaan kuraastan golaha Shacabka loo doortay dhawaan Musharaxiinta kala ah Maxamed Xuseen Hadi oo loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP209 sidoo kale kuriga HOP209 oo loo doortay Cabdullaabi Xaashi Abiib, waxaana horay ugu fadhiyay Wasiirka Maaliyadda Beyle,halka kursiga sadaxaad laga hakiyay Caasha Koos Maxamuus Cumar.HOP211.


Ugu dambayn Guddiga ayaa ku wargaliyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka ee Heer Federaal (GHDHF) iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Gobolada Waqooyi-Somaliland in ay si dhaw ula shaqeeyaan xubnaha GXKHDD ee dacwadan gacanta ku haya si loo helo xog dhameystirsan oo lagu go’aan qaadan karo isla markaana dhawraan waqtiyada dhagaysiga dacwada ee lagu qeexay habraacyadii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka.

Halkan ka Akhriso: