Guddiga Qabab-qaabada Aaska Marxuum Prof Galeyr Oo Lagu Dhawaaqay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi Qaran oo ka shaqeynaya Aaska loo sameynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Guddigaan ayaa ka kooban Saddex iyo toban xubnood oo ah Wasiiro iyo Wasiir ku xigeeno.

Guddiggaan ayaa Shaqadoodu tahay diyaarinta goobta lagu aasayo Marxuum Cali Khaliif Galeyr.

Tilaabada uu qaaday roob ka dib waxaa soo baxay Warka ku saabsan in uu u geeriyooday Covid19.

Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in Cali Khaliif Gallaydh Raiisul Wasaarihii hore ee dalka u geeriyooday Cudurka COVI-19.

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Deegaanka Soomaalida Mukhtaar Yuusuf ayaa sheegay ka dib baaritaano ay ku sameeyeen in uu haleelay Covid19.