Golaha Wasiirada Somalia Oo Ka Shiray Xaalada Degdega Ah Ee Dalka

Mudane MahdiMaxamedGuuleed Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka,  ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlay ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah ee dalka ka jira oo ay ka mid yihiin Fatahaadaha.

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay wax ka qabashada fatahaadaha, COVID19 iyo ayaxa oo kamid ah xaaladaha ugu daran ee xilligaan dhibaatada ku haya dalka.

Kulanka intii uu socday waxaa la isla gartay in la sameeyo guddi isku dubba rida oo ka shaqeeya howlaha ku xeeran wax ka qabashada, mudnaan siinta iyo dardar gelinta dadaallada lagu yareynayo qatarta.

Wasiirka Gargaarka dowladda Soomaaliya oo Xamza Saciid Xamza oo Shirka Faahfaahiyay ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay dadaal badan ku bixin doontoo sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay ka mid yihiin Fatahaadaha.