Go’aano Laga soo Saaray Muran ka Taagnaa Dhul Beereedka Deegaanka Gargaara Ee Lughaya.

Wafdigii loo xilsaaray xalinta khilaaf ka dhashay beero ay dadka barakacayaasha deegaanka Gargaara ka beerteen deegaankaasi ayaa go’aano ka soo saaray.

Go’aankan oo uu ku dhawaaqay gudoomiyaha gudigan wasiirada Saleebaan Cali Koore ayaa waxa uu meesha ka saaray in la baabiiyo beeraha, islamarkaana waxa uu dul istaagay  cabirka dhul beereedka Gargaara kaasoo dhanaa kun iyo sided boqol oo mitir, sidaa awadeedna waxa uu gudigu go’aamiyay in kun iyo boqol mitir ay qotaan beelaha Bahabar Muuse ee Maxad-case halka 7oo oo mitir-na uu go’aamiyay inay qotaan Beesha Ciise.

Sikastaba ayaa go’aankan ayaa u muuqda mid rajo u abuuraya dadka ku xoolo beelay duufaantii Sagar ee dhulbeereedka ka qotay deegaanka Gargaaraee Degmada Lughaya, kaasoo meeshana ka saaraya muran kii beelaysnaa ee ku gacan saydhayay in dhulka la qoto.

Waxii kazoo kordha kala soco shabakadan