General Caan ka ahaa Dhulka Somalida Ethiopia Oo Geeriyooday.

Taliyihii hore ee sareeyay ciidamada Itoobiya qeybtooda Koonfureed ee fadhigiisa ahaa magaalada Harar ee dalka Ethiopia General Abraha Woldemariam uu ku geeriyooday dalka Thailand isagoo u dhintey cudurka Kansarka oo kaga dhacay sanbabada.

Generalkan ayaa ka mid ahaa generalo kooban oo uu dalacsiiyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemariam Desalegne, balse markii uu talada dalka Ethiopia la wareegay Abiy Ahmed ayuu noqday howlgab General Abraha.

Taliyan geeriyoodaya ayaa Hore loogu eedeeyay inuu gacan ka geystey xadgudubyo ka dhan ah aadanaha oo ay ciidamada Ethiopia ka geystey dhulka Soomaalida ee Ethiopia.

Dadka wax dhaliila ayaa generalkan la xiriiriyay inuu aad ugu dhowaa Madaxweynihii hore ee dawlad deegaanka somalida Ethiopia Abdi Iley oo haatan ku jira xabsig ku yaal magaalada Addis Ababa.

General Abraha Woldermariam ayaa waxa uu ka mid ahaa Dagaalyahanada ururka TPLF kuwaasoo xukunka ka tuuray dowladii uu madaxda ka ahaa Colonel Mengistu Hailemariam.

Leave a Reply