Ganacsato Dhaqaale Ugu Deeqday Dayactirka Safaaradda Somaliya Ee Uganda.(Sawiro)

Midowga ganacstada Soomaaliyeed ee qalabka dhismaha ee dalalka Uganda iyo K/Suudaan ayaa maanta deeq lacageed oo ay kaga qeyb-qaadanayaan dhismaha isxilqaanka ah Safaradda Soomaaliya ee Dalka Uganda ka socda ku wareejiyay madaxda Safaradda, deeqdaas lacageed oo gaareysay 10,000 oo dollarka Maraykanka ah.

Xaffad kooban oo deeqda lacageed ay ku wareejinayeen ganacsatada ayaa ka dhacday Magaalada Kampala waxaana goob joog ka ahaa Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) iyo lataliyaha 2-aad ee Safaradda mudane Cali Khadar.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Ambasador Cali Cagabaruur oo hadal kooban ka jeediyay xafladda ayaa kaga mahadceliyay ganacsatada deeqda lacageed oo ay soo gaarsiiyeen Safaradda taasoo wax badan ka tari doonta dib u dhiska Safaaradda oo maraya meel muhiim ah.

Safiirka ayaa sheegay in cid walba oo gacan ka geysatay isxilqaanka ka socda safaaradda ee lagu dayactirayo inuu meel fagaare ah ka sheegi doono abaalka ay u galeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya, ayna xafladda daahfurka dayactirka ay dhammaan soo bandhigi doonaan dadkii ka qayb qaatay dib u dhiska safaaradda.