Galmudug Oo la Wareegtay Maleeshiyaad Beeleedyo & Gaadiid Dagaal.(Sawiro)

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug Burhaan Ismaaciil Xirsi ayaa Maanta la wareegay Qeybtii ugu horeysay Ee Ciidamo maleeshiyaad ah iyo gaadiid dagaal oo ku sugnaa degaanka dhabad ee gobolka Galgaduud.

Maleshiyaadkaan ayaa Wasaaradda Amniga Galmudug sheegtay inay kamid noqn doonaan Ciidamada Daraawiishta Galmudug,isla markaana lagu xareeyo Xero ku taalla degaanka Dhabad si taabar loogu furo.

Wasiir ku xigeenka oo ay wehlinayaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Sheegay in Ciidamadan yihiin qeybtii ugu horeysay ee dhabad laga Xareeyo. dhawaana kuwa kale la xaraynaayo si qeyb uga noqdaan Ciidamada Daraawiishta Galmudug.