Gabar Soomaali la La’aa Oo Meydkeeda Laga Helay Magalada Minneapolis.

Ciidamada booliiska magaallada Minneapolis ayaa helay meydka gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Muniiro Axmed oo mudo sadex maalin ah reerkeeda ka maqneed, waxaana baadi goob gabadhan loogu jiray ugu dambeyn la helay iyada oo meyd ah.

Gabadhan Soomaaliyeed ayaa meydkeeda laga helay webiga Mississippi ee hoos mara buundada dadka ay u damaashaad tagaan ee Magaalada Minneapolis , waana halkii ugu dambeeyay ay joogtay gabadhan kahor inta aan la waayin.

Ciidamada booliiska ayaa baaritaan ku wada sababta keentay geerida gabadhan Soomaaliyeed, waxaana qoyska gabadhan geeriyootay tuhmayaan in gabadhooda lagu tuuray wabiga sidaasna ku geeriyootay.

Dalka Mareykanka ayaa sanadihii ugu dambeeyay lagu dilay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed kuwaa oo qaarkood maalmo la la’aa nolol iyo geeri, waxaana dilalka halkaasi ka dhaca qaarkood ku lug yeesha dhalinyaro kale oo Soomaaliyeed.