Gabadh Soomaaliyeed Oo Loo Haysto Inay Dhacday Malaayiin Doolar

Waxaa maalmihii u dambeeyay si weyn baraha bulshada iyo qaar kamid ah warbaahinta caalamka looga hadal hayey Gabadh Soomaaliyeed oo lagu magaacaabo Safiya Nuur, taasi oo la sheegay in qaab khiyaano ah ku dhacday lacago malaayiin doolar ah.

Gabadhaan oo haysata dhalasho Canada, asal ahaan ah Soomaali, ayaa waxaa lagu eedeynaya in hab kala duwan lacago uga dhacday dad caan ah oo ku sugan magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka, kuwaas oo qaarkood ka mid ah jilayaasha Hollywood-ka.

“Lacagta ay Safiya ka qaadatay dadkaa waa mid ay ku beer laxowsatay, sida hooyadeed oo dhimatay oo ay dooneyso lacag ay ku aasto,” ayaa lagu yiri warbixin uu daabacay wargeyska ka warama dadka caanka ah ee Vulture.

Sida ay baahiyeen warbaahinta caalamka Safiya waxay sidoo kale lacagahaas ku qaadatay inay dhibaato kala kulantay kufsi wadareed loo geystay.

Sheekada xatooyada ee lala xiriirinayo Safiya ayaa waxa kale oo sheegayaan in lacagahaas qaarkood ku qaadatay qaab amaah ahaan ah, ayada oo markii dambena la goosatay oo aan u celinin dadkii ay ka qaadatay.

Shakhsiyaadka caanka ah ee la sheegay in gabadhan ay la kulantay, laguna eedeeyay in lacago qaab khiyaano ah uga qaadatay waxaa ka mid ah Jeff Wittek, Denzel Dion, Ricky Thompson iyo dad kale oo isugu jira atooreyaal, atariishooyin iyo dadka taageerayaasha badan ku leh baraha bulshada, gaar ahaan Youtube-ka.