Faroole Oo Farmaajo ku Eedeeyay Inuu God ku Ridayo Dalka kuna Tumanayo Dastuurka.

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole hadana katirsan Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kahor yimid xubnaha Aqalka sare lagu kordhiyay ee la siinayo gobolka Banaadir.

C/raxmaan Faroole ayaa sharci daro ku tilmaamay go’aankii Baarlamaanka federaalka ku meel mariyeen in 13-kursi laga siiyo Aqalka sare gobolka Banaadir oon horey matalaalad ugu laheyn Aqalka sare.

Waxa uu sheegay Faroole in Madaxweyne Farmaajo God ku ridayo dalka kuna tumanayo dastuurka, waxa uuna xusay in Madaxweynaha sharci darada uu ku dhaqmayo kula shirkoobay hogaanka golaha Shacabka.

“Dalkii god buu ku socdaa, Madaxweynihii dastuurka loo xil saaray inuu difaaco baa godka ku riday, wuxuuna kula shiraakoobay sharci darada hoggaanka Golaha Shacabka”ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Hadalkan kasoo yeeray Senator Faroole ayaa kusoo aadaya xili xildhibaanada golaha Shacabka ay meel mariyeen in Aqalka sare laga siiyo gobolka Banaadir 13-xubnood, waxaana go’aankaasi kasoo horjeestay inta badan Xildhibaanada kasoo jeeda Puntland.