Faah-faahinta Qarax ka Dhacay Muqdisho Iyo Alshabaab Oo Sheegatay Masuuliyada.(Sawiro)

Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa maanta ka dhacay agagaarka Xerada ciidamada cirka ee Afisiyooni gaar ahaan meel ku dhaw wadada jayga ee aada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray gaari nuuca aan xabadaha karin iyo gaadiid kale oo marayay agagaarka koontaroolka laga galo wadada Jayga ee aada garoonka Aadan Cadde.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan xoogan ee goordhaw ka dhacay Muqdisho, mana jiro ilaa hada faah faahino dheeraad ah oo laamaha amaanka ka bixiyeen qaraxan iyo khasaraaha ka dhashay.

Muuqaalo iyo sawirro laga soo qaaday ayaa muujinayay waxyeelo xoogan uu qaraxa gaarsiiyay gaadiidka lagu weerararay, waxaana warar soo baxayay sheegayaan in gaadiidka la weeraray ay la socdeen saraakiil katirsan Qaramada Midoobay.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa ismiidaaminta ah lala beegsaday kolonyo gaadiid ah ay la socdeen saraakiil Cadaan ah oo aysan sheegin Al Shabaab wadamada ay kasoo jeedaan iyo cida ay u shaqeeyaan.

Al Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa lagu bur buriyay mid kamid ah kolonyadii ay la socdeen saraakiisha cadaanka ah, waxa ayna xuseen in qaraxaasi dadkii lagu weeraray ay kasoo gaartay waxyeelo kala duwan.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday kolonyo ay la socdeen saraakiil caddaan ah waxaana weerarka ku burburay mid kamida gaadiidkii ay caddaanku la socdeen kuwa kalane waxyeello ayaa gaartay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Qaraxan ayaa imaanaya xili lagu wado in magaalada Muqdisho bari ka dhacaan banaan bax weyn oo looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo laguna taageerayo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.