Faah-faahinta:-Qarax Dhimasho Iyo Dhaawac Gaystay Oo ka Dhacay Duleedka Boosaaso.

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka dhashay qarixii ka dhacay degaanka Kalabeydh ee duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay Goob maqaaxo ah oo kutaalla degaanka Kalabeyr, waxana qaraxa ku dhintay hal Ruux, halka saddex kale oo laba askar yihiin ay ku dhaawacmeen.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Goobta qaraxa uu ka dhacay ay ku sugnaayeen Askar katirsan Ciidamada Maamulka Puntland, kuwaas oo halkaas mararka qaar ku nasta.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka magaalada Boosaaso si loogu daaweeyo,waxaana hadda xaaladda si caado ah kusoo noqotay degaanka Kalabeyr ee magaalada Boosaaso.

(Visited 5 times, 1 visits today)