Ex Wasiir Maareeye Oo fka Waramay Sababta ay Ra’iisal Wasaare Rooble U Eedeeyeen

Golaha siyaasiinta ee ka soo jeeda Soomaaliland garabka uu hoggaamiyo guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa eedayn waxay ugu jeediyeen raysal wasarae Rooble oo ay sheegeen in aanu ka jawaabin xiriiro uu la sameyay gudoomiyaha Aqalka sare kaas oo ku doonayay in looga wadhadalo doorashada goballada waqooyi.

Golahaan ayaa sidoo kale ra’iisal wasaare Rooble ugu baaqay in uu ka dhabeeyo ficil ahaan wixii lagu heshiiya iyo gudashada masuuliyaddii lagu aaminay ee habsami u socodka howlaha doorashooyinka Qaranka iyo tan xildhibaanada labada Gole ee Somaliland inay u dhacdo si xor iyo xalaal ah.

Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka mid ah golaha siyaasiinta uu hoggaamiyo Cabdixaashi ayaa sheegay in sababta qoraalka ay u soo saareen ay tahay in ay weli taagan tahay khilafka dhanka doorashada ah ee u dhaxeeya Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi.

ay u arkeen in Ra’iisul Wasaare Rooble uusan dhex-dhexaad aheyn, isla markaana meel u xagilaanyo.

Wasiir hore Maareeye oo la hadlay BBCda waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Ra’iisul Wasaaraha looga baahan yahay in uu arrintaasi xaliyo, hayeeshee kulankii ay yeesheen Ra’iisul Wasaaraha & Guddoomiyaha Aqalka Sare qodobadii lagu heshiiyay uu fulin waayay RW Rooble, taasina ay shaki gelineyso madax bannaanida doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi.

(Visited 1 times, 1 visits today)