Ethiopia Oo Hargaysa Ku Tilmaantay Marinka Ugu Wayn Ee Laga Dhoofiyo Harimocadka Sharci-darada Ah.

Somaliland gaar ahaan magaalada Hargaysa ayaa noqotay marinka ugu wayn ee sida sharcidarada ah looga dhoofiyo Harimacadka laga soo ugaadhsado gobolka oo dhan, gaar ahaan wadanka Ethiopia, kaas oo loo iibgeeyo suuqyada dalalka Khaliijka ee hodanka ah.

Maamulaha Hay’adda Horumarinta iyo Ilaalinta Duurjoogta Itoobiya oo magaciisa la yidhaa Daniel Pawlos ayaa sheegay in suuqa kor u sii kacaya ee iibsiga Harimacadka ee dalalka Imaaraatka iyo Sucuudi Carabia uu sababay in si wayn loo ugaadhsado dhasha Harimacdka.

“Bil kasta ugu yaraan 4 ah dhasha Harimacdka ayaa si qarsoodi ama kootaraab ah loogu iibgeeyaa dalalka Khaliijka, waxana lagasii Iibiyaa Maalqabeeno carbeed oo Faan iyo Qurux ahaan u isticmaala”ayuu yidhi Daniel Pawlos

Ethiopia ayaa ah dal faqri ah, waxana iyada oo durrufaha dhaqale ee hayta dadkeeda laga faaiidaysanayo ayaa loo diraa inay soo ugaadhsadaan Harimad dhal ah, waxana lagaga gataa lacag u dhaxaysa 10 ilaa 15 kun oo Birrta Ethiopia ah oo u dhiganta celcelis ahaan $310 ilaa $355 doolar halkii xababa.

Kooxaha Tahriibinaya Harimacadka ayaa markaa ka dib u kaxeeya Harimacda Hargeysa, oo ah magaalo madaxda, Maamulka Somaliland, ka dibna waxa loo sii kootarabaaniyaa dalalka Saudia Arabia iyo Imaaraadka iyada oo la sii dhex marinayo Yemen, ayuu yidhi Mr Pawlos.

Pawlos ayaa intan ku daray in Marka uu Haramacadku gaadho Khaliijka lagu iibiyo Suuqa-madow, iyadoo Maalqabeeno Carab ah laga siiyo lacag gaadhaysa ama ka badan $ 10,000 oo doolar, kuwaas oo isticmaala sumad ama astaan lagu garto qani-nimadooda.

Kooxaha u dooda ilaalinta xuquuqda duurjoogta uu Harimacdku ka maqan yahay ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah Harimacadkan ay ku sii dhintaan dhexda inta lagu wado dalalka Khaliijka, mushkilada ugu darana ay tahay in ganacsigan ugaadha ee Sharcidarada ah uu horseedayo in Ugaadhan ay ka sii dabar go’do dalalka Somalia iyo Ethiopia.

Harimacdaka ayaa ka mid ah xawayaanada dunida ka sii dabargo’aya, sida ay sheegtay Hayada Convention on International Trade in Endangered Species (Cites), Dunida oo dhanna waxa maanta ku sugan 7,100 Harimacad ah, kuwaas oo 90% qy ku nool yihiin Africa.