Dowladda Somaliya Oo Shaacisay Inay Dalka Keenayso Agabka Lagu Xaqiijin karo Cudurka COVID-19.

Wasaarada Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay Warbixin cusub oo ku saabsan cudurka Corona virus.

WAR-BIXIN MAALINLE AH: CUDURKA CORONAVIRUS (COVID-19)

18 Maarso 2020

Kadib xaqiijintii kiiska bukaanka qaba xanuunka COVID-19, Wasaaradda Caadimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay umadda Somaliyeed la socodsiinaysaa inuusan jirin kiis kale oo laga shakiyay ama la xaqiijiyay

Kiiska la xaqiijiyay waxa uu wadanka kasoo galay dibadda, waxay Wasaaradda ku dadaalaysaa in laga hortago faafidda xanuunka ee gudaha waddanka

Wasaaradda waxay ku daba-joogtaa dhamaan rakaabkii diyaaradda la saarnaa qofka la xaqiijiyay inu qabo cudurka COVID-19.

Dawlada waxay u qoondeysay 5 milyan oo Dollarka Maraykan ka ah guud ahaan dalka si loo xakameeyo faafida cudurka

Wasaaraddu waxay furtay lambarka Gurmadka Caafimaadka degdegga ah 449. Qofkii u baahdo macluumaad ama talo la xariirta cudurka COVID-19 ama isaga shakiya ha waco 449

Waxa garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho lagu diyaariyey xarunta karantiilka dadka looga shakiyo cudurka

Waxa isbitaal De Martino ee magaalada Muqdisho loo qoondeeyay inu noqdo xarunta daaweynta bukaanada la xaqiijiyo inay qabaan cudurka COVID-19.

Waxa ay Wasaaaraddu qorsheynaysaa in wadanka la keeno agabka lagu xaqiijin karo cudurka COVID-19 sida ugu dhaqsiyaha badan.

Si looga hortago cudurka faafidiisa, dawladda waxay joojisay duulimaadyadii caalamiga ahaa ee wadanka
imaanayey ama ka baxayey laga bilaabo 19ka Maarso 2020.

Sidoo kale waxa ay dawladdu fasaxday dhamaan iskuulladii, waxayna joojisey isu-imaatinka dad-weynaha

Isha kaliya ee wararka xaqiiqda ah ee la xiriira cudurka COVID-19 waa Wasaaradda Caafimaadka heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed.