Dowladda Somaliya Oo ka Hadashay Rasaas Lagu Furay Madaxweynihii Hore Ee Xasan Sheekh.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay rasaas manta lagu furay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka cadaaladda XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in guddi uu horkacayo taliyaha Asluubta loo saaray baarista is rasaaseyn galabta dhex martay ciidan Asluubta ka tirsan iyo ilaalada Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa uu sheegay in caddaaladda la marsiin doono cidwalba oo ku lugyeelata falkaasi oo ahaa mid aan lama filaan ah.

Kolonyo uu la socday Madaxweynihii hore ayaa lagu rasaaseeyay agagaarka Kawaanka Malayga ee degmada Xamar Weyne, halkaasoo bar koontarool ay ku leeyihiin Ciidanka Asluubta.

Ciidanka Asluubta ee koontaroolka ku leh bartaas ayaa dhowr jeer rasaaseeyay gawaari mas’uuliyiin iyo oday dhaqameedyo la socdeen oo u dambeeyay weerarkii gaariga Imaam Maxamed Yuusuf.

Weerarkii galabtay ayaa noqonaya kii saddexaad oo lagu beegsado madaxweynihii hore Xasan Sheekh isla markaana ku soo beegmaya markii la xalliyey xasradii ka taagnayd magaalada Muqdisho.