Dowladda Somaliya Oo ka Hadasha Guusha Ilhaan Cumar.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa hambalyo u diray Ilhan Cumar, Cumar Fatax iyo Jamaal Cismaan oo guulo ka gaaray doorashooyinkii heer federaal, gobol iyo degmo ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujiyay sida dadka Soomaaliyeed ugu faanayaan guusha ay gaareen dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo rajeenayay inay ka wada shaqeeyaan xoojinta xiirka dadka Soomaaliyeed ee dalka jooga iyo Soomaalida ee ku dhaqan dalka Mareykanka