Dowlada Jabuuti Oo Xadkeeka Ka Xidhay Dadka Ka Qayb Qaadanyay Diiwaan Galinta Somaliland.

Dawlada dalka jabuuti ayaa joojisay dadkii ka soo talaabayay soodinta ay la wadaagto somaliland, Ka dib markii saaka si rasmi ah ay uga bilaabatay gobolada Salal iyo awdal diwaan galintii kaarka cod‐bixiyayaashu.

Lama oga sababta ilaa hada ay xukuumada jabuuti u hor istaagtay muwaadiniinta jaliyada somaliland ee ku dhaqan dalkaasi jabuuti oo iyagu u Socday sidii ay kaarka cod‐bixinta usoo qaadan lahaayeen sidii marar horeba dhici jirtay.

Warar kale oo aanu ka helayno magaalada lawyacado ee xuduuda somaliland iyo jabuuti ayaa iyana sheegaya, in dano kale oo siyaasadaysan ku jiraan meesha oo Gaadiidka iyo dadkaba la kala hayb soocayo oo dadka qaar ay soo gudbayaan halka kuwa kalena dib loo celinayo.

Waana arin cawaaqib xumadiisa wata hadii taasi dhabawdo oo dawlada jabuuti ceeb iyo fadeexad ku noqon karta.

Ilaa iyo hadana ma jirto cid matasha xukuumada somaliland oo arinkaasi ka fal‐celisay iyada oo ay wali xaniban yihiin dadkii iyo gadiidkiiba halka qaarkoodna ku noqdeen magaalada Caasimada ee jabuuti.

Dhanka kale waxa iyana si toos ah u furan xuduudka itoobiya, magaalada xariirad oo ah magaalo xuduudeed ayaa laga dareemayaa maanta saxmada gadiidka ukala gudbaya xuduuda itoobiya, kuwaasi oo daabulaya dadka u socda kaar qaadashada iyaga oo ka kala yimi magaalooyinka dalka itoobiya ee ku teedsan magaaladaasi xariirad iyo kuwa kale oo ka yimi jabuuti oo soo dhax maray itoobiya si ay usoo gadhaan xariirad.

wariye Cali Xajar