Dowlada Itoobiya Oo Shaacisay Khasaaraha ay TPLF ka Geysatay Gobolada Canfarta Iyo Axmaarada.

Afhayeenka Ra’isal wasaaraha Itoobiya Bilene Seyoum ayaa sheegtay in jabhada TPLF ay khasaare naf iyo maalba ah ka gaysteen gobolada Canfarta iyo Axmaarada.

“Waxay geysateen khasaare weyn oo soo gaaray hanti gaar ah iyo mid guud, dad badan ayaa ku naf waayey,” ayuu Bilene ku tiri war-saxaafadeed ay soo saartay maanta

Tusaale ahaan, afhayeenka rai’sul wasaaraha ayaa weriyayaasha tustay sawiro muujinaya burburinta hanti ee ciidamada TPLF ay ka geysteen gagida dayuuradaha ee, Kasagita, Debre Sina, Shoa Robit, Gashena iyo Lalibela.

Sawiradan ayaa muujinaya burbur loo gaystay guriyaha sida gaarka ah loo leeyahay, bangiyo, ganacsiyo iyo xarumo caafimaad.

Burburka hantiyeed ka sokow, waxaa jira calaamado muujinaya xad-gudubyo ba’an oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo meelo badan ka dhacay, ayuu tiri afhayeenka.

“Waxaa jira warar sheegaya in kooxda TPLF ay xasuuq u gaysteen shacabka ku dhaqan Gashena iyo Waqooyiga Shoa” ayuu tiri afhayeenka rai’sul wasaaraha Itoobiya .

Waxay intaa ku dartay in marka laga soo tago dilalka loo geysto dadka aan waxba galabsan ay koox baaritaan ku sameyneyso tacadiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ay xog uruurin ka wadaan deegaanadaasi.

Ilaa iyo ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka falaagada TPLF oo ku saabsan burbur lagu eedeeyay inay gesyteen.

Sidoo kale, wasiiru dowlaha wasaarada isgaarsiinta Selamwit Kassa ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay shalay ku sheegtay in ay 28,000 metric ton oo cunto ah ay dawladu u qoondeysay 2 milyan oo qof oo ku nool Waqooyiga Wollo, Koonfurta Wollo iyo Waqooyiga Shoa.