Dowlada Itoobiya Oo ka Hadashay Hadal Mudo kadib kasoo Yeeray Hogaamiyaha Tigrey.

Dowladda Itoobiya ayaa jawaab adag ka bixisay fariin uu baraha bulshada soo dhigay hoggaamiyaha baxsadaka ee Tigray Debretsion Gebremichael, kaasoo dowladda ku eedeeyay inay tacaddiyo ka geystay gobolkaasi intii uu socday dagaalkii lagu jabiyay.

Afhayeen u hadashay dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in fariinta uu soo diray hoggaamiyaha TPLF, lagu doonayo in lagu qariyo dambiyada dagaal iyo tacadiyada kale ee geestaan kooxaga TPLF.

Fariin uu soo diray Debretsion Gebremichae, ayuu ku sheegay in ciidamada federaalka Itoobiya iyo kuwa Eritrea tacadiyo iyo xasuuq baahsan ka geestaan deegaanada Tigrey, waxa uuna ugu baaqay beesha caalamka in ay baaraan.

Gobolka Tigrey waxaa ka dhacay dagaalo lagu hoobtay oo lagu jabiyay Jabhada TPLF, waxaana gobolkaasi inta dagaalada ka socdeen la sheegay in ay ka dhaceen tacadiyo badan ay geesteen labada dhinac ee dagaalamayay.