Dowlad Ugu Deeqday 31-Milyan Oo Dollar Afganistan-ta ay ka Taliso Taalibaan.

Dowlada Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in malaayiin dollar oo gar gaar ah ugu deeqday dalka Afganistan oo taladiisa la wareegeen kooxda Taalibaan ,kadib markii dowladii dalkaasi ka jirtay laga itaal roonaaday.

Wasaarada Arimaha Dibadda dowlada Shiinaha ayaana balan qaaday bixinta 31-Milyan oo dollar oo loogu tala galay dalka Afganistan, lacagtan ayaana loogu iibin doonaa shacabka Afganistan cunto, sahayda cimilada qaboobaha iyo tallaallada COVID-19.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in kaalmadan ay gacan ka geysan doonto dib u dhiska dalka ay dagaalladu aafeeyeen. Wuxuu sidoo kale sheegay in Shiinuhu uu gacan ka geysan doono la dagaallanka argagixisada iyo ka ganacsiga maandooriyaha sharci darrada ah.

Dowlada Shiinaha ayaa la tilmaamaa in xiriir dhaw la leedahay kooxda Taalibaan ee la wareegtay talada Afganistan, waxa ayna Shiinaha dhawaan sheegeen inay sii wadi doonaan xiriirka ay la leeyihiin xukunka Taalibaan.

Qaar kamid ah wadamada Caalamka ayaa isha ku haya xaalka dalka Afganistan gaar ahaan sida ay u dhaqmaan kooxda Taalibaan oo horey u balan qaaday in ay soo dhiseyso dowlad wadaag ah ayna wax ka bedeli doonaan siyaasadoodii hore ee dagaalka.