Doorashadii Deegaanka Somalida Itoobiya Oo Berri loo Dareeraayo.

Bari waxaa deegaanka soomaalida looga dareeri doonaa doorashadii lixaad ee dib u dhacday ee badi dalkaasi Itoobiya ka qabsoontay 21-kii bishii Juunyo ee sanadkan.

Goob doorashooyin gaaraya 4057 ayay codkooda ka dhiiban doonaan dadka isku diwaan galiyay in ay doorashada ka codeeyaan oo tiradoodu uu guddiga doorashooyinka qaran ay ku sheegeen in ay gaarayaan shan milyan oo qof.

Doorashadan oo ay qaadaceen axsaabtii mucaaradka ahayd badankood, ayaa waxaa hadda loolan isku wajahaya xisbiga talada haya ee Barwaaqo, xisbiga dimoqraaddiga ee Soomaali galbeed iyo murashaxiin madax bannaan.

Waxaana doorashadan lagu soo dooranayaa 273 xildhibaan oo ah baarlamaanka deegaanka iyo 22 ka mid ah 23-ka xildhibaanada ee Soomaalida ku metali doonta golaha wakiilada shacabka oo ah aqalka baarlamaanka ee dalkaasi Itoobiya.

Codbixinta ayaa bari ka bilaalmi doonta Lixda subaxnimo (6:00Am) ilaa iyo Lixda maqribnimo (6:00pm).