Doorashadda Itoobiya Oo Dib Loogu Dhigay Corona-virus Awgii.

Dowladda Itoobiya ayaa dib u dhigtay doorashooyinka Madaxtinimo iyo kuwa Baarlaamiga ah ee dalka oo la filayay iney qabsoomaan bisha August ee soo socta.

Sababta ayay ku sheegtay Arrimo la xiriira cudurka Coronovirus sida ay ku dhawaaqeen Guddiga Doorashooyinka dalkaasi.

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in ay la tacaali doonto Cudurka Coronovirus, waqti dalka Itoobiya ay ka socoyay diyaar Garowga doorashada guud.