Doorashadda Dib Haloo Dhigo 2022 Qore Mukhtar Cilmi

Bismilaah alraxmaan alraxiim. Waxaan salaamaya dhamaan bahweynta warbahiinta somaliland.

Maqaalkaygan waa baaq aan u dirayo madaxweyne muuse biixi cabdi oo runti faraya madaxweyneha in u bilaabo furashada xisbiyo cusub oo xiligeedii la gaadhay 2021, doorashadana laga dhigo sidii sharciga ahayd 2022 ta golayasha barlamaanka iyo deegaaanka.

Talaabadaasu waxay siinaysa gudiga doorashooyinka wakhti ku filan qabshada diiwaangali ta December 2020 ila june 2021 ee hasten socota, kadibna la bilaabo furashada ururada siyaasiydeed july 2021 ila tartanka kala shaandhin tooda dhamaatka december 2021 kadibna lixda soo baxa galaan doorashada kuna haboon march 2022 ..

Furashada ururo cusub waa talaabo loo bahna muddo dheer, waayo maanta xisbiyadda jira waddani iyo ucid khilaaf mooyaane wax ay u soo kordhiyeen majirto saaxadda siyaasiyeeded muddoyinkii danbe oo waxay gaben shaqadii xisbinimo , sidaa darteed waxaan soo dhawenaya go’aankii madaxweynaha furashadda xisbiyo cosob ku soo biiri doona saaxadda somaliland mar u kahadlay munaasibad.

waxaanay u furaysa talaabadane siyaasiyiin han leh oo runtii somaliland ka faa’idaysan karto Waxaana ka mid ah :

Pro. Axmed ismaaciil samatar

Siyaasi cali warancade

Siyaasi xirsi xassan xaji cali

Siyaasi salebaan xaglatuusiye

Siyaasi Jamaal cali xuseen

Qore mukhtar cilmi