Doorashada Golaha Is-maamulka Diridhaba Iyo Adis-ababa Oo Dib loo Dhigay.

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa isku raacay in dib loo dhigo doorashooyinkii ismaamul magaalooyinka Addis Ababa iyo Diridhaba kaddib markii guddiga doorashooyinka ay codsadeen in wakhti dheeraad ah la siiyo si ay isugu diyaariyaan doorashada.

Doorashada golaha ismaamul magaalooyinka Addis Ababa iyo Diridhaba ayaa lagu waday in la qabto sannadkan balse hadda waxaa loo asteeyay inay dhacaan sannadka soo socda oo ay Itoobiya ka dhici doono doorasho guud.

Waa markii labaad oo dib loo dhigo doorashada golaha maamulo magaalooyinkaas, sannadkii lasoo dhaafay ayaa dib loo dhigay markii qalalaase siyaasadeed ay halkaasi ka dhaceen.
Xigasho Bbc

Leave a Reply