Dolow:-Dad ka Careysan Duqeymaha Kenya ka Wado Gobolka Gedo Oo Banaanbax dhigay.

Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday dhibaatooyinka Ciidanka Kenya ka geystaan deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ayaa Maanta ka dhacay degmada Dolow ee Gobolkaas ee koonfurta Soomaaliya.

Boqolaal dadweyne oo isugu jiray Haween, dhalinyaro iyo Odayaal ayaa isugu soo baxay bartamaha Dolow, iyagoona ahaa kuwo ka careysan duqeymaha diyaaradeed ee Kenya ka geysato deegaanka Ceel-cadde iyo deegaano kale oo ay ku noo yihiin dad shacab ah.

Banaanbaxayaasha ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dhibaatada Ciidamada Kenya u geystaan shacabka Gobolka Gedo, isla markaana arrintaas ay tahay wax aan loo dul qaadan karin, iyagoona ku qeylinayay Erayo ka dhan ah Kenya.

Waxaa ay sheegeen in duqeymaha ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdaan dad u badan xoolo dhaqato, sidoo kalena burburiya guryo iyo Xarumo Ganacsi, waxaana dadka falkaas ku tilmaameen mid xad-gudub ku ah dadka.

Sidoo kale Maamulka degmada Doolow oo ka qeyb galay banaanbixii dhacay ayaa dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka ka codsaday inay si deg deg ah wax u qabtaan duqeymaha ay geysaneyso Kenya, ayna joojiyaan dhibaatooyinka ay kula kacayaan shacabka aan waxba galabsan.

Si kastaba duqeyntii ugu dambeysay ee Kenya ka fulisay deegaanka Ceel-cadde iyo deegaano kla oo ka tirsan Gobolka Gedo ayaa waxaa ku geeriyooday hooyo iyo canug ay dhashay, halka dad kalena oo u badan Carruur ay dhaawacyo soo gaareen.