Diyaaradii Qaadka Kenya Keeni-jirtay Laascaanood Oo Arimo Amni U Baaqatay Maanta.

Diyaaraddii Qaadka Miirooga ah keeni jirtay Laascaanood ayaa maanta baaqatay, kadib hanjabaado xalay kasoo yeeray ganacsatada qaadka gobolka Sool.

Sida uu ii sheegay qof ku sugan Laascaanood, diyaaraddan oo la filayey in ay timaado ayaan iman, balse Qaadka Miirooga ayaa Baabuur lagaga keenay dhinaca Garoowe iyo Gaalkacayo.

Diyaaradda Qaadka keeni jirtay Laascaanood oo muddooyinkii dambe hakisay keenista Qaadka, ka dib khilaaf oo kala dhex galay Qaadleyaasha Laascaanood, hase yeeshee maanta oo la filayey in ay timaado ayaa baaqatay, iyada oo baaqashada maanta loo aanaynayo khilaaf weji cusub leh oo ay xalay ka hadleen Qaadleyaasha Laascaanood.

(Visited 4 times, 1 visits today)