Dil Maanta ka Dhacay Magaalada Hargeysa

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay sheegayaan in Nin kamid ah dadka kunool halkaasi uu Maanta Nin kale ku dilay Tooreey xilli ay ku wada sugnaayeen Aaga Suuqa Waaheen.

labada Nin ee is-dilay ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo Magaalada Hargeysa si muruq maal ah uga wada Shaqeysan jiray Gaari gacan, hayeeshee dilka uu yimid kadib markii khilaaf uu soo kala dhexgalay.

Sidoo kale Goobjoogayaal ayaa sheegay in Ninka dhintay tooreeyda qoorta laga geliyay, isla markaana uu ku dhintay isla goobta ay labada Nin ku dagaalameen.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa tegay goobta falka uu ka dhacay, iyaga oo xiray Ninkii tooreyda ku dilay Ninka kale, iyaga oo saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay baaritaan ku sameeynayaan waxa sababay dagaalkooda.

Magaalada Hargeysa ayaa waxaa aad ugu badan dadka ku hubeysan tooreyda ee u badan kuwa xamaalatada ah, waxaana dhowr jeer dhacay falal noocaan oo kale ah.

(Visited 3 times, 1 visits today)