Dibad-baxyo Looga soo Horjeedo Madaxweynaha Masar Oo ka Dhacay Qaahira

Dibaxyo looga soo horjeeda Madaxweynaha Masar Abdelfatah Al-Sisi ayaa ka dhacay magaalada Qaahira iyo qeybo ka mid ah dalkaas.

Dibad baxan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee Masar ka dhaca tan iyo markii uu xukunka la wareegay Abdelfatah Al-Sisi sanadkii 2014.

Boqolaal ruux ayaa xalay fiidkii soo buux dhaafiyay fagaaraha Taxriir oo aheyd halka ay ka bilaabatay kacdoonkii sanadkii 2011 ee xukunka looga tuuray Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak.

Booliska ayaa la sheegay inay dibad baxayaasha u adeegsanayeen sunta ilmaha ka ilmeysiisa, isla markaana ay kala eryeen inta badan dibad baxayaasha.

Dadka dibad baxayay ayaa la sheegay inay ku eedeeyeen Madaxweynaha Masar musuq maasuq iyo ku tagri fal awoodeed, kana dalbanayay inuu xukunka ka dago.