Ugu yaraan saddex qof, ayaa ku dhintay, in ka badan 800 oo qof oo kalana ayaa ku dhaawacmay dhul gariir ka dhacay waqooyi galbeed ee dalka Iran.
Kooxaha gurmadka oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa tagay gobolka Galbeedka Asarbayjan, ee uu saameeyay dhulgariirka dhacay, si ay u ogaadaan khasaaraha ka dhashay dhul gariirkaasi.
Sida xogta lagu helayo, dhul gariir kani, ayaa wuxuu sababay burburka guryo, iyo dhismayaal kale oo ku yaalla magaalada Khoy.
Kooxaha la socodka iyo daba galka, ayaa diiwaangeliyeen dhul-gariir oo cabbirkiisu ahaa 5.9, darajooyinka lagu cabiro dhul gariirka..
Iran ayaa waxa inta badan ka dhaca dhulgariir, sababo la xiriirta juqraafi ahaan meesha ay ku taal.
(Visited 6 times, 1 visits today)