Dhaxal-Sugaha Sacuudiga Sannado Kadib ka Degay Turkiga, Lana Kulmay Erdogan

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa markii ugu horreysay muddo sannado ah booqasho ku tagay dalka Turkiga maanta oo Arbaca ah, si uu wadahadallo ula yeesho Madaxweyne Tayyip Erdogan, kaas oo ujeeddadiisu ahayd in si buuxda loo cusboonaysiiyo xiriirka burburay, kadib dilkii Jamal Khashoggi.

Booqashadan ayaa waxay ka dhigan tahay tallaabo uu Amiir Maxamed ku doonayo inuu dib ugu soo nooleeyo muuqaalkiisa meel ka baxsan gobolka Khaliijka, waxayna kusoo beegantay iyadoo Erdogan uu raadinayo taageero dhaqaale oo gacan ka geysan karta fududeynta dhaqaalaha Turkiga ee hoos u dhacay ka hor doorashooyinka adag ee madaxweynaha