Dawlada Qadar Oo soo Bandhigtay Diyaarado Dagaal Oo ay kasoo Iibsatay Faransiiska.(Sawiro)

Dowlada Qadar ayaa soo bandhigtay diyaarado dagaal casri ah oo ay kasoo iibsatay dowlada Faransiiska, waxaana diyaaradahan casriga ah dhawaan la geeyay dalka Qadar si loogu qalabeeyo ciidankeeda cirka.

Diyaaradahan dagaalka ee Qadar soo iibsatay ayaa waxaa farsameesay dowlada Faransiiska, waxaana diyaaradahan oo lagu magacaabo Rafale lagu soo bandhigay munaasabad ka dhacday magaalada Doha.

Munaasabada lagu soo bandhigayay diyaaradaha casriga ah waxaa kasoo qeyb galay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al Thani , Wasiirka Gaashaandhigga dalka Qadar iyo masuuliyiin kale.

Diyaaradahan dagaal ee dowlada Qadar soo bandhigtay ayaa gaarayay ilaa 5-diyaarad oo casri ah, waxaana dowlada Faransiiska dalkeeda tababar kusoo siisay duuliyaasha diyaaradahan oo katirsan ciidamada Cirka ee dalka Qadar.

FILE – This June 21, 2001 file photo shows a French Air Force Rafale manufactured by France’s Dassault Aviation speeding above Le Bourget airport, north of Paris, France, during the 44th Paris Air Show. France has announced a 6.3 billion euro ($7 billion) deal regarding the sale of 24 Rafale fighter jets to Qatar. The deal is going to be signed next Monday in Qatar’s capital Doha in the presence of the French president Francois Hollande, the French president’s office announced Thursday. (AP Photo/Remy de la Mauviniere, File)

Leave a Reply