Dawlada Oo Shirarkii Lagu Qaban Jiray Nairobi Markii Ugu Horaysay U soo Wareejiyay Adis-ababa.(Sawiro)

Dawlada Fadaraalka somaliya ayaa mid ka mid ah shirarkii lagu qaban jiray magaalada Nairobi markii ugu horaysay u soo wareejisay magalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, C/llaahi Cali Xassan ayaa maanta si rasmi ah u furay shir ku saabsan habka ay Soomaaliya u yeelan lahayd xog-kaydiye Ganacsi “Trade Information Portal” kaasoo socon doonaa laba cisho ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Ganacsiga iyo IFC oo ka mid ah Bangiga Adduunka (World Bank Group).

Aqoon-iswaydaarsigan oo maanta lagu qabtay xarunta dalka Ethiopia ee Addis Ababa ayaa waxa kasoo qayb galey Maareeyahah Dekadda Muqdisho, masuuliyiin ka socotay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Warsshadaha oo hormuud ka ahayd abaabulka iyo isku dubbaridka shirkan.

Wasiirka oo khudbad dheer ka jeediyey kulankan ayaa ku dheeraday muhiimadda aqoon-isweydaarsigani u leeyahay dalka iyo kaalinta uu ka qaadan karo dhiirigalinta maalgashiga, daahfurnaanta ganacsiga iyo xog-iswaardaarsiga hay’adaha dawladda iyo sidoo kale rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo guud ahaanba ganacsatada Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa sidoo kale xusy in xog-keydiyahan si fudud ay uga daalacan karaan daneeyayaasha Soomaaliya xogaha iyo shuruucda ganacsi ee Soomaaliya si ay ugu fududaato in ay dalka ay ganacsi ka sameystaan.

Aqoon-iswaydarsigan oo ay bixinayeen khabiirro ka socda Bangiga Adduunka, iyadoo lagu faahfaahiyey hababka uu u shaqeeyo xog kaydiyahan iyo faa’iidada laga dhexli karo marka la sameeyo oo si habsami ah u socda.

Dhinaca kale, shirarkii iyo siminaaradii caalamiga ahaa ee hay’addaha dowladda loogu qaban jiray Nairobi ayaa waxay u muuqdaan in loo weeciyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib khilaafka baahsan ee u dhaxeeya dowladdaha Kenya iyo Somalia.